Home Dhageysi Dhageyso:-Maamulka Khaatuma Oo Lagu Eedeeyey DagaalkaTukaraq

Dhageyso:-Maamulka Khaatuma Oo Lagu Eedeeyey DagaalkaTukaraq

329

Xubno Ka Tirsan Cuqaasha Iyo Wax-garadka Reer Soomaaliland Ayaa Markii Ugu Horreysay Waxa Ay Ka Hadleyn Dagaalka Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Sool.

Caaqil Cumar Cismaan Max’ed Oo Ka Mid Ah Cuqaasha Ku Dhaqan Gobolka Awdal Ee Soomaaliland Oo war-baahinta Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Sool.

Waxa Uu Sheegay In Wax Laga Xumaado tahay Dagaalka Ka Socda Aagga Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Kaas Oo U Dhaxeeya Maamullada Puntland Iyo Soomaalilan Ee Ku Muransan Gacan Ku Heynta Gobolkaasi Sool.

Mas’uuliyadda Dagaalkaas Ayuu Waxa Uu Dusha U Saaray Qaar Ka Mid Ah Beelaha Dhistay Maamulka Khaatuma State Kuwaas Oo Haatan Kala Raacsan Soomaaliland Iyo Puntland Waxa uuna Ku Eedeyey In Ay Ka Gaabiyeen Baajinta Dagaalka Ka Socda Deegaanka Tukaraq.

Si Kastaba Weli Waxaa Aagga Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ka Taagan Dagaalka U Dhaxeeyada Maamullada Deriska Ah Ee Puntland Iyo Soomaaliland.