Monday, May 25, 2026
HomeDhageysiDhageyso:-Maamulka Hiiraan Oo Beeniyay Eedaymo Kagayimid shacabka

Dhageyso:-Maamulka Hiiraan Oo Beeniyay Eedaymo Kagayimid shacabka

Waxaa Todobaadkii Lasoodhaafay Magaalada Baladwayne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan Lagaarsiiyay deeq raashin ah Oo Katimid Shacabka Dalka Sacuudiga taasi Oo loogutalagalay dadka tabaalaysan ee kunol Baladwayn.

Xubno kasocday Xaafiiska Gargaarka Bini,aadinimada Boqor Salmaan ayaana Deeqdaan u Qaybiyay 1,000 Qoys Oo Kamida 6,000 oo Qoys Oo loogu tala Galay in Ddeeqada Lagaarsiiyo.

Buuq ayaa Kadhashay Qaabka Qaybinta Deeqda iyada oo Dadka Qaarkiis ay Ku Eedeeyeen Maamulka Gobolka shabeelada Hoose in Qaab Nin Jeclaysi ah ay Kaarar usiiyeen Shaqsiyaad ay Kulahishiiyeen in ay Kalaqaybsadaan Qoondada ay Kaararka Kuhelaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Hagar Dabageed ayaa Waxa uu  Beeniiyay Eedaymaha Loosoojeediyay Maamulka iyo in ay Lug kuleeyihiin Qaybinta Deeqda Katimid Dalka Sacuudiga.

Waxa uu Xusay in Deeqda ay Qaybiyeen Xubno Kasocda Xaafiiska Gargaarka Bini,aadinimada Boqor Salmaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe