Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Cabud-waaq Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Cali Nuurre Max’ed Ayaa Markii Ugu Horreysay Eedeyn Xoog Leh dusha Uga Tuuray Madaxda Sare Ee Maamulka Gal-mudug.
Guddoomiye Ku Xigeenka Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa waxa Uu tilmaamay In Waqtigaan Aysan Gal-mudug Jirin Isla-markaana Ay Mar Hore Bur-burtay Haddana aysan Ka Shaqeynin Deeganada Gal-mudug.
Waxa Uu Tilmaamay In Gal-mudug Ay Raacday Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Gal-mudug C/kariin xuseen Guuleed Waxa Uuna Rajo Xumo Ka Muuiyey In Gal-mudug Is-raacdo Oo ay wax u qabato Shacabka Reer Gal-mudug.
Guddoomiye Ku Xigeenka Ayaa Arrinkaa Waxa Uu U Sababeeyey Wax U Qabasho La’aan Ku Aadan Shacabka Ku dhibaateysan qaar Ka Mid Ah deeganada Gal-mudug Maadaama Ay Madaxda Maamulku Ay Masuul ka tahay Shacabkooda.
Dhinaca kale Cali Nuurre Max’ed Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Cabud-waaq ayaa Waxa uu sheegay In isku darkii labada maamul Ee Ahlu-sunna Iyo Gal-mudug Uu Rajo wanaagsan Ka qabay In Gal-mudug Ay midowdo Oo Si Weyn U Hana-qaado.
Balse Waxa Uu Tilmaamay In hadda taasi Aysan Muuqaanin Oo Ay Xilligaan muuqato Is Eedeyn Ka dhaxeysa Shacabka Reer gal-mudug isagoona wax Gal-mudug Ku dhaliilay Ku Biirada Maamulkii Gobollada Dhexe Ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
Tan Iyo Markii Ay isku Biireen Maamullada Gal-mudug Iyo ahlu-sunna ayaa waxaa Jiray Eedeymo Madaxda Sare Ee Gal-mudug Kaga Imaanayey qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Iyo Odayaasha dhaqanka Ee Deegaanada Maamulka Gal-mudug Iyagoona Ku dhaliilay Madaxda gal-mudug In Aysan Ka Shaqeyn danaha Shacabkooda.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye Ku Xigeenka Oo Dhameystiran:-