Thursday, February 13, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Labo Ruux Oo Ku Geeriyootay Kaam Ku Yaal Duleedka Muqdisho

Dhageyso:- Labo Ruux Oo Ku Geeriyootay Kaam Ku Yaal Duleedka Muqdisho

Sida Aynu Ku Heleyno Wararka Ka Imaanaya Duleedka Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Gaar ahaana Deegaanka Tareedisho ayaa Waxa Ay Kusoo warramayaan In Kaam Halkaasi Ku Yaal Ay Ku Geeriyoodeen Laba Ruux Oo ka Mid Dadka barakacayaasha Ah Ee Ku Jira Kaamkaasi.

Dadka geeriyooday Ayaa Waxa Lagu sheegay In Ay ahaayeen Hooyo Iyo caruur Ay dhashay kuwaas Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ku Jiray Kaamka Hidaayo Ee duleedka Muqdisho.

Mid ka Mid ah dadka Kaamka Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado ayaa Waxa Ay Sheegtay In Hooyo ay Geeriyootay Xalay Halka Caruurkuna UuDhintay Saaka.

Waxa Ay Sheegtay Goob-joogahaan In Dadkaan ay sababsadeen Roob Ka da’aya Deegaanka Tareedisho Ee Duleedka Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Hoos Ka dhageyso Codka Goob-joogaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe