4 Jannaayo Horaantii Sanadkaan Waxaa Soo Shaacbaxay Khilaafka Ka Dhexeeya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya Wixii Xiligaa Ka Danbeeyay Ma Aysan Muuqan Wax Wada Shaqeen Ah oo Ka Dhaxeysa Labada Baarlamaan
Xildhibaan Cabdfitaax Qaasin oo Ka Tirsan Baarlaamnka Aqalka Hoose Ayaa Sheegay In Dalku Mar Xalad Adag Ku Jiro Taas Badalkeeda Loo Baahanyahay In Ay Ka Heshiiyaan Labad Aqal Khilaaf Ka Ka Dhex Jira.
Dhinaca Kale Xildhibaan Idir Cabdi Dhaqtar oo Isla Aqalka Hoose Ka Tirsan Waxaa uu Qabaa In Golaha Aqalka Sare Ay Ku Fashilmeen Waajibaadkii Loo Igmaday oo Ka Mid Aheed Dhex Dhexaadinta Dowlada Dhxe Iyo Kuwa Gobolada Hayeeshee Ay Bilaash u Eedeynayaa Golaha Shacabka.
Jannaayo Horaantii Sanadkaan  Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inaanu la shaqeyn karin Golaha Shacabka ee dalka oo uu ku eedeeyay arimo ay ka mid yihiin inuu hareer maray habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka, iyo wada shaqeyn la’aan ku aaddan xiriirka dibedda ee baarlamaanka federalka.

