Cabdicasiis Hassan Mohamed Lafta-Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka hadlay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Suuq Ganacsi Oo Ku Yaal Deegaanka Goof-Gaduud Buurey Ayaa Ugu Horreyn Tacsi U Diray Ehalladii Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxaasi.
Madaxweyne Lafta Gareen Waxa Uu Sheegay In Dhammaan Ehallada Dadka Ku Geeriyooday Qaraxaasi Ay La Qaybsanayaan Xanuunka Kasoo Wajahay Geeridada Dadkooda.
Waxa Uu Tilmaamay In Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Soomaaliya Ay Qaadayaan Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxaasi Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Haddii Muqdisho Wax Looga Qaban Waayo Xattaa Ay Ka Go’an Tahay In Ay U Qaadaan Meel kasta Oo Ay Caafimaad Ku Heli Karaan.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya AbdiAziz Hassan Mohamed Lafta-Gareen Waxa Uu Tilmaamay In Aanan Marnaba Loo Dulqaadin Karin Xasuuq Uu Sheegay In Dagaallamayaasha Al-shabaab Ku Hayaan Shacabka Reer koonfur Galbeed.
Sidoo Kale Madaxweyne Lafta-Gareen Dhammaan Shacabka Ku Dhaqan deeganada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayuu Ugu Baaqay In Ay Si Dhaw Ula Shaqeeyaan Laamaha Ammaanka Maamulka Si Al-shabaab Looga Guuleysto.
Ugu Dambeyn Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Waxa Uu Xusay In Al-shabaab Aysan Wax Asxaan ah U Heyn Ummada Soomaaliyeed Gaar Ahaana Shacabka Reer koonfur Galbeed Sidaa darteedna ay Muhim Tahay In Gacmaha La Is Qabsado Si Al-shabaab Lagaga Adkaado.
Hadalkaan Madaxweynaha Maamulka Koonfir Galbeed Soomaaliya Ayaa Imaanaya Iyadoo Maalimadii Shalay Dagaallamyaal Ka Ka Tirsan Al-shabaab Ay Weerar Qarax Ah Ka Fuliyeen Suuq Ganacsi Oo Ku Yaal deegaanka Goof-Gaduud Buurey Ee Gobolka Bay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Koonfur Galbeed:-