Home Dhageysi Dhageyso:- Ciidamada Soomaaliland Oo La Wareegay Hadaaftimo Iyo Banaanbaxyo Ka Socda

Dhageyso:- Ciidamada Soomaaliland Oo La Wareegay Hadaaftimo Iyo Banaanbaxyo Ka Socda

99

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku Gaashaaman Gadiidka Dagaalka ee Tiknikada ayaa Saaka aroortii Hore gabi ahaanba la wareegay Gacan ku haynta Deegaanka Hadaatfimo ee Bariga Gobalka Sanaag.

Dadka deegaanka ayaa mar qura ka war helay Ciidamo hubaysan oo si kadis ah ku soo galay Isla-markaana Gaaf Wareegaya Xaafadaha Ay Ka Kooban Tahay Hadaaftimo

Dhinaca Klae Banaanbaxyo looga soo hor jeedo Ciidamada Somaliland ee deegaanka qabsaday ayaa ka bilowday gudaha Magaaladaas.

Jaabir Abdiqadir Cali Shirbeeye Oo Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Hadaaftimo Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Saaka Aroortii Hore Ciidamo ka Tirsan Kuwa Soomaaliland Ay Gudaha U Galeen Hadaaftimo.

Jaabir Waxa Uu sheegay In Dadka Reer Hadaaftimo Banaanbax Ay sameeyeen ka Dib Ciidamada Soomaaliland Ay Dib U Laabteen Haddana Ay Ku Sugan Yihiin Duleedka Magaalada.

Hasa yeeshee Jaabir Waxa Uu Hoosta Ka Xarriiqay in Weli Banaanbaxo Ka Socdo Gudaha Magaalada Hadaaftimo Ee Gobolka Sanaag.

Marka Laga Yimaado Ciidamadan Soomaaliland Ee Gudaha U Galay Hadaaftimo Dhinaca Ciidamo iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa iyaguna ku sugan Degmada Xingalool ee Gobalka Sanaag, Waxaana Cabsi laga qabaa in Dagaal ka dhex qarxo labada dhina Waa Puntland Iyo Somaliland.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka Mid Ah Dadka Deegaanka:-