Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale Ee uu Xilka Kaqaaday Madaxweynaha Hir-shabeele Maxamed Cabdi waare ayaa Ka soo hor jeestay Xilka qaadista uu Ku sameeyay Madaxweyne Waare.
Waxa uu sheegay in Madaxwaha Hir-shabeele uu yahay danayste aysana jirin inta uu Xilka hayay haba yaraatee wax uu u qabtay Shacabka Hir-shabeele Xilka qaadista Lagu Sameeyayna ay tahay mid hareer marsan Dastuurka Fidraalka iyo Kan Dawlad Goboleedka Hir-shabeele.
Sababta Keentay Xil ka qaadistiisa ayuu kusheegay in ay tahay in uu u arkay Madaxweyne waare in uu kuyahay Khatar siyaasadeeda taasina ay keentay xilka qaadistiisa.
Waxa uu Carabka ku adkeeyay in isaga uu yahay Gudoomiyaha Saxdaa Ee Gobolka Hiiraan aysana jirin Sifo sharci ah Oo Xilka Looga qaadi karo.
Halkaan Kadhageyso.