Tuesday, May 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Gudoomiye katirsan Soomaaliland Oo Maamulka Muusa Biixi Ku Eedeeyay in ay Doonayaan...

Dhageyso:-Gudoomiye katirsan Soomaaliland Oo Maamulka Muusa Biixi Ku Eedeeyay in ay Doonayaan in ay afduub Kuhaystaan Shacabka Gobolka Sool

Ismaaciil Maxamed Jaamac Gudoomiyihii hore ee Buuhoodle ugu magacawnaa Somaliland oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan tahay magaalada Laascaano.

Ismaaciil Maxamed Jaamac ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliland uu doonayo inuu afduub u haysto shacabka magaalada Laascaano kadib markii
dagaalka looga adkaaday.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland ciidankiisu godad waaweyn oo dhufaysyo ah ku wareejiyeen magaalada Laascaano iyagoo doonaya inay gabaadka dhigtaan shacabka.

Bulshada Gobalka Sool oo ay ugu horeeyaan Isimadda ayuu ugu baaqay inay
midoobaan dagaalka Maamulka Hargaysa looga sifaynayo Gobalka Sool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe