Home Dhageysi Dhageyso Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug oo wax kama jiraan ku tilmaamay isku darka...

Dhageyso Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug oo wax kama jiraan ku tilmaamay isku darka xildhibaanada Galmudug iyo Ahlu Sunna

459

Cali Gacal Casir gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay 89 xildhibaan ee Galmudug balse uusan aqoonsaneyn xildhibaanada Ahlu Sunna iyo Galmudug ee dhawaan la isku daray.

Cali Gacal ayaa sheegay in la hareermaray dastuurka Galmudug hase yeeshee uu aqoonsan yahay dastuurkiihore ee Galmudug.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay yimaadaan magaalada Cadaado si loo dardar geliyo howlaha baarlamaanka.