Inta Badan Deegada Xeebta Ku Teedsan Ee Maamulka Puntland Waxa Ka Billowday roobab Kuwas Oo Khamiistii Lasoo Dhaafay Ka Hooray deegaanadaasi Puntland.
Qaar ka Mid Ah Mas’uuliyiinta Gobollada Ay Roobabakani Ka da’een ayaa Faa-faahin Ka Bixiyey Roobaablkaasi Waxa Ayna Sheegeen In Uu Ka da’ay Deegaanada Xeebta Ku teedsan.
Max’ud Axmed Caynab Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Ee Maamulka Puntland Oo la Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado Ayaa Waxa Uu sheegay In Roobabkan Ka Da’ay Gobolka Uu Curtay Habeenkii Khamiista Ahaa Ee Aan Kasoo Gudubnay.
Guddoomiyaha Waxa Uu Tilmaamay In Roobka Uu U Badan Yahay Deegaanada Ka Ag Dhaw Xeebta Badda cas Waxa Uuna Xusay In Aysan Jirin Wax Dabeylo Ah Oo Uu Watay Roobkaasi.
Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Gobolka Ay ragaadisay Abaar ba’an Oo Ay dadku Soo Dhaweynayaan Roobabkan isagoona Intaa Ku daray in Labadii maalmood Ee U dambeysay aysan Wax Roobab Ah Ka Da’in Guud Ahaanba Gobolka.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Oo hadalkiisa Sii wata Ayaa Waxa Uu Beeniyey In barakac Uu Ka Socdo Deegaanada Gobolka balse Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Ay Helayaan fariimo Wacyi gelin Ah Oo Kaga Imaanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Eepuntland Kuwaas Oo Loogu Sheegayo In Ay Kusoo Wajahan Yihiin Roobab Debeylo wata.
Waxa Uu Xusay In Fariimahaan Ay Billowdeen Arbacadii Aynu Soo dhaafnay illaa Iyo haddana Ay Socdaan Guddoomiyaha Ma sheegin Waqti rasmi Ah Oo lagu War-geliyey In Dabeylahaasi Kusoo Wajahn Yihiin Gobolka.
Shalay roobab Xooggan Ayaa Waxa Ay ka Da’ayeen deegaano Ka Tirsan Gobolka Bari Ee Maamulka puntland wallow Ay Xusid mudan tahay In Khasaaro Dhimasho Ah ka Dhasheen roobabkaasi Oo Ay daadadku qaadeen illaa Iyo Laba Ruux Oo Ku Sugnaa Gobolka Sida Ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka puntland.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddomiyaha Oo Dhameystiran:-