Friday, March 29, 2024
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Dawladda Oo Ku Fashilantay In Ay Nabad-Dhex Dhigto Beelo Ku Dagaallamay...

DHAGEYSO:- Dawladda Oo Ku Fashilantay In Ay Nabad-Dhex Dhigto Beelo Ku Dagaallamay Waqooyiga Gal-Gaduud

Iyadoo Kol Hore Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Gaar Ahaana Qaybta 21-aad Iyo Kuwa Ay Ku Baxeen Deegaano Dhaca Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Si Ay U Kala Dhex-galaan Isla-Markaana Uwada Hadashiiyaan Beelo Walaalo Ah Oo Ku Dagaallamay Galbeedka Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Ayaa Hadda Waxaa Muuqata In Weli Dagaalkaasi Aan Heshiis Nabadeed Laga Gaarin.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Balan-Bale Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In Wada-hadal Labada Dhinac horay u Dhex-Maray Uu Fashil Kusoo Gaban-Gaboobay Isla-Markaana Aan Wax natiijo Ah Laga Gaarin.

Wada-hadallada Ayey Mas’uuliyiintaan Sheegeen In Ay Caqabad Ku Yihiin Qaar Ka Mid Malleeshiyo Beeleedka Dirirtu Ka Dhaxeyso.

Saalax Cabdille Aaden Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Xusay In Weli Dhinacyadii Dirirtu Dhex-Martay Ay Is hor-Fadhiyaan Waxa Uuna Intaa Ku Daray In hadda ay Ku Kala Dhex-Jiraan Ciidaamada Nabad-Sugidda Iyo Iyo Kuwa Millatariga Ee Ku Sugan Halkaasi.

Si Kastaba Dhawaan Ayey Aheyd Ka Dib Markii Dagaal U Dhaxeeya Labo Beelood Oo Walaalo Ah Uu Ka Qarxay Deegaano Dhaca Galbeedka Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Iyadoona Aan Weli Xal Waara Laga Gaarin Colaadaasi.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxda Arrimaha Bulshada Balan-Bale Saalax Cabdulle Aaden:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe