Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka.
Gudoomiyaha Guddigaasi ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadda dib loo dhigay sababo badan owgood.
Guddiga, waxaa ma sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada Somaliland.
Waxa ay sheegeen in doorashada golaha deegaanka la qaban doono wakhti kale oo aanan hadda la shaacin.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland C/qaadir Iimaan Warsame Ayaa War-Baahinta Maanta Kula Hadlay Hargeysa.
Doorashadda xildhibaanada Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa buuq badan , waxaana qaar ka mid ah xisbiyadda ay arintaasi ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo Kale Qaar ka Mid Ah Siyaasiyiin Horay Xilal Uga Soo Qabtay Xukuumadihii Hore Ee Soomaaliland Ayaa Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey in Uu Isagu Hor-taagan Yahay Qabsoomidda Doorashada Baarlamanka Iyo Tan Golayaasha Deegaanka Ee Maamulkaasi Soomaaliland.
Balse Hoggaamiyaha Soomaaliland Muuse Biixi Oo Isna Hadlay Mas’uuliyadda Arrinkaas Waxa Uu Dusha Kaga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Soomaaliland Isaga Sheegay In Ay Caqabad Ku Yihiin Qabsoomidda Doorashada Deegaanada Maamulka Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Doorashooyinka Soomaaliland:-