Thursday, April 25, 2024
HomeDhageysiDhageyso:- Dabley Xalay Weerartay Gal-Dogob

Dhageyso:- Dabley Xalay Weerartay Gal-Dogob

Dabley Hubeysan Ayaa Xalay Abaaro 08:00 Habeenimo Waxa Ay Weerar Ka Geystay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug Ee Bartamaha Dalka.

Weerarku Waxa Uu Si Gaar Ah Uga Dhacay Maqaayad Ku Taal Bartmaha Degmada Goldogob Ee Gobolka Mudug Sida Ay Ii Sheegeen Saxafiyiin Ku Sugan Magaaladaasi.

Inta La Xaqiijiyey Hal Qof Ayaa Geeriyooday 4 Kalena Wey Dhaawacantay Waxaana Goobta Isaga Baxsaday Raggii Weerarka Geystay.

Dableyda Weerarkan Fulisay Ayaa Waxa Ay Wateen Gaari Sida Ay Ii Xaqiijiyiin Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Kuwaas Oo Durbadiiba Goobta Isaga Baxsaday.

Xasan Max’ed Faarax Ayaxle Oo Ah Guddoomiyaha Degmada Galdogob Ee Gobolka Mudug Ayaa Idaacadda Codka Gobollada Dhexe U Sheegay U Sheegay In Hadda Aysan Faah-Faahin Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Weerarkaasi Balse Ay Weli Socdaan Baaritano Arrinkaasi.

Ciidamada Booliska Degmada Galdogob Ayuu Sheegay In Wadaan Baaritaan Ku Aadan Weerarkaasi Xalay Ka Dhacay Galdogob Wixii Kasoo Baxana Ay Dib Saxaafadda Kala Wadaagi Doonaan.

Dhinaca Kale Saxafiyiin Ku Sugan Galdogob Oo Aan La Hadlay Ayaa Ii Sheegay In Weerarkaasi Xalay Ka Dhacay Degmada Gal-dogob Uu Dabo Socdo Dilal Aanooyin Qabiil Ah Oo Horay Uga Dhacay Gal-dogob Iyo Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Hoos Taga.

Inta Badan Deegaanada Gobolka Mudug Ayaa Waxa Ka Dhaca Dilalka Iyo Weerarada Nuucaan Oo Kale Ah Kuwaas Oo Badankood Salka Ku Hayo Aanoyiin Qabiil Oo Ka Dhex Dhaca Bulshada Kasoo Kala Jeedda Maamullada Puntland Iyo Gal-mudug Oo Iyagu Kawada Arrimaha Gobolka Mudug Mudug Ee Bartamaha Dalka

 

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Abdi Rashid Ali Mohamed:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe