Home Dhageysi Dhageyso:-Dabaged Waari Iyo Guudlaawe Xarigayga Way Ku Fashilmeen

Dhageyso:-Dabaged Waari Iyo Guudlaawe Xarigayga Way Ku Fashilmeen

120

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee uu Maalin ka hor xilka qaadista ku sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka  Hir-Shabeelle ku amray ciidamada,millateriga Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan,balse aan la xiriri Karin.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ayuu sheegay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana uu dalkbaday in khilaafkaan ay soo dhexgasho dowladda Federaalka Soomaaliya.