Waxaa Todobaadkii Lasoodhaafay Deegaano Hoostaga Degmada Balanbal Ee Woqooyiga Gobolkaani Galgaduud Kadhacay Dagaal Beeleed u Dhexeeyay Beelo Walaalo ah Oo Halkaasi Wada Daga Waxaana Walitaagan Xiisadii Kadhaatay Dagaal beeleedka.
Gudoomiyaha Degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed Oo Lahadlay Idaacada Codka Gobollada Dhexe ayaa sheegay in ilaa iyo hada aan xal Lagagaarin Dagaalbeeleedkii Kadhacay Deegaanka Hoostaga Balanbale.
Waxa uu Xusay in Lakqaaday Malaashiyaadka uu Dagaalka Dhaxmaray Hasse ahaatee aysan jirin Xal Kamadambaysa oO Arinkaasi Laga Gaaray.
Jaamac Xayle Maxamed Gudoomiyaha Degmada Balanbale Waxa uu sheegay in ay Kalahadleen Madaxada Qaranka Xalinta Colaad Beeledyada Kusoolaabta Balnabale iyo Deegaanada Hoostaga Maadaama ayuuyiri aysan ahayn Kuwo ay Xalin Karaan Maamulkooda iyo Odayaasha Dhaqanka.