Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Ciidamada Asluubta Soomaaliyed Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradoda 49-aad

Dhageyso:-Ciidamada Asluubta Soomaaliyed Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradoda 49-aad

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Waxaa La,aasaasay 22-kii Feburyo 1970-kii waxaana Sanad Kasta ay ay udabaal Dagaan Sanadguurada Kasoowareegatay Aasaaskooda.

Shalay ayay Kubeegneed Xuska Sanadguurada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Oo 49-Jirsaday Hase ahaatee Jimacaha Awgi ayaa Loogu dhigay Maanta.

Ra,iisul Wasaarha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Masuuliyiin Katirsan Labada Golle Ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Aasaasayaashii Ciidamada Asluubta ayaa Kasooqayb Galay Munaasabada Sanad Guurada 49-aad Ee Siwayn ay Ciidamada ugu Dabaaladahgayaan.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidamada Asluubta Xuska Sanadguuradooda 49-aad Ee Kasoowareegatay Aasaaskooda.

“Sanadguurada 49aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Ciidanka Xoogga waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale” ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa Ciidamada Asluubta Lawadaagay Hambalyada Sanadguurada 49-aad Ee Ciidamada Asluubta Asagoona Kudhiiri Galiyay Ciidamada Hawlaha ay Shacabkooda u hayaan.

Ra,iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Oo Qodbad Kajeediyay Munaasabada Xuska Sanad Guurada Ciidamada Askuubta ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u Diray Ciidamada Asluubta,Qoysaskooda iyo Waalidiintooda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe