Madaxda ugu sareysa dalka ayaa lagu waddaa in ay maanta ka qeyb galaan Munaasabad lagu furaayo mid ka mid ah Xabsiyadda ugu weyn Qaaradda Afrika, kaasoo laga dhisay Magaalada Muqdisho.
Xabsiggaan ayaa laga dhisay Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

