Home Dhageysi Dhageyso:-Cabdixakiim (Dhoobo Daareed) Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Dhageyso:-Cabdixakiim (Dhoobo Daareed) Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

493

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Garoowe Taas Oo Ay Ku tartamayeen Illaa Iyo Afar Musharrax Ayaa Ugu Dambeyn Waxaa Ku Guuleystay Cabdi Xakiim Max’ed Axmed Dhoobo Daareed.

Musharrixiinta Xilkia Kula Tartameysay Ayaa Kala Ahaa Cabdi Jamal Cismaan, C/raxmaan Cali Iyo Cabdi Rashid Yuusuf.

Wareegii Koobaad Ee Doorashada Ayaa Musharrixiintu Waxa Ay Codadka U Kala heleen Sidan.

Cabdixakiin Dhoobo cod 37
Cabdi Jamaal co 15
Cabdiraxman Cali cod 9
Cabdirishiid Yusuf cod 5

Waxaana Wareega Labaad Ku Tartamay C/xakiim Dhoobo Daareed Iyo Cabdi Jamal Waxaana Ugu Dambeyn Xilka Guddoomiyaha Ku Guuleystay Cabdi Xakiim Dhoobo Daareed.

Jaamac Ciise Oo Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ku Sugan Hoolka Ay Doorasho Ka Dhaceysay Ayaa Codka Gobollada Dhexe Kaga Warbxiiyey Qaabkii Ay Doorashadu U Dhacday.

Hoos Ka Dhageyso Codka Saxafiga:-