Home Warar Cali Xaaji Warsme Oo Laga Dalbaday In Uu Ka Tanaasulo Musharraxnimada Puntland

Cali Xaaji Warsme Oo Laga Dalbaday In Uu Ka Tanaasulo Musharraxnimada Puntland

253

Xilli Maalmo Kooban Ka Harsan Yihiin Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulka Puntland Ayaa Mid Ka Mid Ah Musharrixiinta U Tartameysa Hoggaanka Puntland Waxaa Maanta Si Cad Looga Reebay Doorashada Madaxtinimo Ee Puntland Isaga Oo Laga Codsaday In Uu Tanaasulo.

Warqad Kaso Baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi Max’ed Cali Gaas Ayaa Musharrax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame Lagaga Dalbaday In Uu Ka Tanaasulo Musharraxnimada Xilka Madaxtinimo Ee Puntland.

Sidoo Kale Musharrax Ayaa Waxaa Lagu War-Geliyey In Uusan Kasoo Bixi Karin Hoygiisa Uu Ka Degan Yahay Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warqadda Kasoo Baxday Xaafiiska Madaxweyne Gaas Oo Ku Socotay Guddiga Amniga Doorashada Puntland, Lana Ogeysiiyey Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Iyo Isimada Puntland Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Cali Xaaji Warsme Uu Qayb Ka Ahaa Dagaallo Lagu Soo Qaaday Puntland Dagaalkii Saliid Sida Lagu Sheegay Warqadda.

Hoos Ka Akhriso Warqadda:-