Xaalad nolol xumo Oo aad u liidata ayay Kunoolyihiin Dadka Kunool Kaamka Xeebeed Oo Kamida Kaamamka Kuyaala Magaalada caddaado Waxaana Kunool Kaamka Dad Kasoobarakacay Colaadihii Al-shabaab iyo Dadka Deegaanka Kudhaxmaray Qaybo Kamida Gobolka Mudug.
Qaarkamida Dadka Kunool Kaamka Oo Lahadlay Idaacada Codka Gobolada Dhexe ayaa sheegay in Sababta ay u soobarakaceen ay Tahay  in Al-shabaab ay Ku amreen inay Keenaan Qaarkamida Caruurtooda Si loo askareeyo.
Xaalado  nolol Xumo ayay Sheegeen inay Xiligaan Kuhaysato Kaamka Xeebeed Oo Kamida Kaamkamka Magaalada Cadaado Kuyaala.
Gudoomiyaha Kaamka Xeebeed Oo Codsaday Inaan Magaciisa Oo dhamaystiran Loo adeegsan Warbaahinta Sababo Amni awgood Kuna Sookoobay Magaciisa Maxamuud ayaa  sheegay in aysan Jirin Wax Caawimaad ah Oo ay Hada Kahor heleen Marka Lagareebo biyo Galin loosameeyay Dadka kunool Kaamka sidookale Waxa uu kawarbixiyay Xaaladaha Kale ee Kataagan Kaamkaan uu Madaxda u yahay.
Hoos Kadhageyso Codka