Magaalada Laas-caanood Ee Xarunta Gobolka Sool maanta Waxaa Ka Dhacay banaanbaxyo ballaaran Oo Dhigayaan Dadka Shacabka Ah Ee Ku Dhaqan Laas-caano iyagoona Uga Soo horjeeda Caburin Ay Ciidamada Soomaaliland Ku hayaan Sida Ay Sheegeen Goob-joogayaal Ku Sugan Laas-caano.
Mid Ka Mid Ah dadka Degmada Laas-caano Oo la hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado ayaa waxa uu Ka Warbixiyey bananbaxyadaan Maanta ka Dhacay Magaalada laas-caano Ee xarunta Gobolka Sool.
Waxa Uu Sheegay In Mudaharaadyadan Ay Yimaadeen ka Dib markii Shacabka Ay ka war-heleyn In magaalada Ay kusoo wajahan Yihiin Wefdi cadaan Ah Kuwaas Oo shacabka Weydiinaya halka ay raacsan Yihiin soomaaliland Iyo Soomaaliya Taas Oo Shacabka dareen Ku Abuurtay Kuna Qabsatay In Ay Dhigaan Isu Soo baxaan.
Sidoo kale Goob-joogahaan Waxa Uu carrabka Ku Dhuftay In Ciidamada Maamulka Soomaaliland Ay Xabsiga Dhigaan qaar ka Mid Ah Saxafiyiinta Ka hawl-gasha Gudaha magaaladaasi Iyadoona Maanta Oo U Dambeysay Ay Xireen Sida UU Tilmaamay Goob-joogahaan Wariye Lagu Magacaabo Maxamed jaamac Bidaarshe
Hoos Ka dhageyso Codka Goob-joogaha:-