Ciidamada Nabad-sugidda Iyio Sirdoonka Qaranka Somaaliyeed Ayaa manta Magaalada caasimadda Ah Waxa Ay Ku Xireen Afhayeenka Maamulka Gal-mudug C/laahi Xaashi Faarax Roob Da’ay Xilli Uu Maray Wadada Zayidka Ee Muqdisho.
Nabad Sugidda Soomaaliya Saacado ayey gacanta Ku Hayeen Afhayeenka Gal-mudug balse saacado Ka Dib Waxaa Suura-gashay In Ay Dib Xorriyadiisa U Siiyaan.
Afhayeenka Oo Sii Deyntiisa Ka Dib War-baahinta Kula Hadlay Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay In Ay Jirdil U Geysteen Ciidamada Nabad-sugiida Soomaaliya Intii Ay Gcaanta Ku hayeen.
Sidoo kale waxa Uu Tilmaamay In Ay Ugu hanjabeen In Dili Doonaan Haddii Uusan Faraha Kala Bixin Arrimaha Dawladda gaar Ahaana Madaxda Sare Ee Qaranka isagoo sheegay In Si Gaar Ah Loogu Heystay Arrinta La Xariira Sarkaalka C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax.
Si Kastaba Illaa Iyo hadda Ma Cadda Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambeysa xariga Ciidamada Nbaad-sugidda Soomaaliya U Geysteen Afhayeenka Maamulka Gal-mudug C/laahi Xaashi Faarah Roob’day Mana Jirto Wax War Ah Oo Kasoo baxay Hay’adaha Amniga Dawladda Oo La xariira Xariga Afhayeenka…