Tuesday, March 18, 2025
HomeWararDHAGAYSO:Gaas oo sheegay in uu imaaradka kalahadlay Khilaafka Diblumasiyadeed

DHAGAYSO:Gaas oo sheegay in uu imaaradka kalahadlay Khilaafka Diblumasiyadeed

Madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka inuu kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka diplumaasiyaded  ee soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in uu kaalintiisa ka qaatay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay  Madaxweyne Gaas in uu kulamo kala duwan la qaaday Madaxda Imaaraadka , islamarkaana uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin horumarinta Puntland iyo Khilaafka taagan.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaana uu shalay dib ugu laabtay Puntland.,

Gaas ayaa intii uu jooggay Imaaraadka Carabta aad u dhaliilay dowladda Soomaaliya oo ku eedeyay in ay jarayso xiriirka Imaaraadka Carabta

QORAALADA LA XIRIIRA

5 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe