Munaasabad lagu qabtay Xarunta villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa laabda guddoomiye kuxigeen ee Golaha Sahcabka,Xildhibaano iyo marti sharaf kale,waxana guddoomiyaha Cusub xilka ku wareejiyey guddoomiyihii hore ee is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guddoomiyaha Cusub ku wareejiyey qorsho howleedka Golaha Shacabka iyo jadwalka Shaqo ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amaan u jeediyey guddoomiyihii hore ee GolahaShacabka,isaga oo sheegay in uu soo shaqeeyey waqti aad u adag.
Sikastaba guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii lagu doortay Muqdisho ayaa waxaa haatan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo Baarlamaanka Soomaaliya.
Halkaan ka dhagayso, Codka ‘Jawaari’: