Saturday, March 15, 2025
HomeDhageysiDHAGAYSO:- Amaanka Xarunta Aqalka Sare Oo Walaac Laga muujiyay.

DHAGAYSO:- Amaanka Xarunta Aqalka Sare Oo Walaac Laga muujiyay.

Kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen  Guddiyada joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay Xaaladda Amniga Xarunta Golaha Aqalka Sare.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in ay shaki weyn ka muujinayaan xarunta Aqalka Sare.

Sanator Axmed Nadiir ayaa  sheegay in muddo Hal sano iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo uu amnigeeda sheegay in uusan si wanaagsan u sugneyn.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in amniga xarunta uusan ahayn sidii loo baahnaa islamarkaana ay walaac ka qabaan arrintaasi.

Horay ayaa xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay walaac ka muujiyeen Ammaanka xarunta Aqalka Sare, waxaana ay dalbadeen Ciidamada AMISOM.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe