Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska DANAB oo ka dhacay Tuulada Aboodan oo kamid ah Magaalooyinka hoostaga Qooqaani Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Warka Dowladda kasoo baxay ayaa intaas lagu daray in saraakiisha katirsan ‘AS’ ee la beegsaday in ay la socdeen Gawaari gaaraya illaa shan, xogtooda oo la helay kaddib ayay ciidamadu fuliyeen howlgalka waa sida hadalka loo dhigay.
Saraakiil katirsan ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB ayaa sheegay in Raggaan katirsan ‘AS’ ay dagaal la galeen Ciidanka Dowladda Federaalka katirsan ee howlgalkaan qorsheysan sameeyay isla goobtana lagu dilay dhammaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo Dadka deegaanka ayaa howlgallo kawada Gobolka Jubada Hoose.
Madaxda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa saraakiisha ciidamada federaalka iyo kuwa Daraawiishta kala hadlay sidii ay u qaadi lahaayeen dagaal ka dhan ah ‘AS’ si ay u gaaraan Gobolka Jubada Dhexe oo gacanta Dowlad-Goboleedka ka maqan.