Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo shalay dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, waxayna Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hadda lagu dabiibaya Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo.
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isaggoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facebook-ga.