Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska ay kordhiyeen howlgalada ay ku sameynayaan Gaadiidka iyo dadka saaran.
Xaafadaha qaar waxa ay ciidamada ka sameeyeen Howlgalo Guri guri loo baarayo si ay u xaqiijiyaan Ammaanka, maadaama Magaalada ay ku wajahan yihiin Wufuud kala duwan, sidoo kalena la qorsheynayo in ay ka dhacdo Doorasho.
Xalay bar kontorool oo ay ciidamada ku leeyihiin Magaalada waxaa lagu tuuray Bam gacmeed, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo saddex kamid ah ay yihiin Ciidamo Booliis ah.
Maamulka ayaa kordhiyay Ciidamada ka howlgalaya Baraha Gawaarida lagu baaro, si ay ugu feejignaadaan Weeraro u badan Bambaanooyin.
Ciidamada ayay dadka degmada sheegayaan in ay sameysteen Saldhigyo gaar ah oo ka fog meelaha ay ku baarayaan Gawaarida, si aan waxyeelo u gaarin.
Magaalada Baydhabo waxaa maalmaha soo socda la filayaa in ay tagaan wufuud kala duwan, si ay kor joogto ugu noqdaan Doorashada ka dhaceysa 19-ka bishaan, oo horay ugu dib udhacday saddex jeer waqtigii loogu talagalay.
Kulan gaar ah oo ay shalay yeesheen Guddiga Ammaanka Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Wasiirka Amniga waxa ay soo saareen 8 qodob oo u badnaa amarro amni sugid ah oo la dul dhigay Ciidamada Booliiska.