Friday, May 1, 2026
HomeWararDen iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay muranka doorashooyinka

Den iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay muranka doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka,  waxaana ay la kulmeen Midowga Musharixiinta iyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe