Sunday, March 23, 2025
HomeWararDEGDEG:- Madaxweyne Farmaajo Oo war degdeg ah ka soo saaray dagaalka Tukaraq....

DEGDEG:- Madaxweyne Farmaajo Oo war degdeg ah ka soo saaray dagaalka Tukaraq. flowershop

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

https://flowercompany.ca/scarborough/

flowershop

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

https://flowercompany.ca/scarborough/

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe