Friday, February 14, 2025
HomeWararAKHRISO:- Taliyaha Ciidamada Somaliland Oo Faahfaahiyay dagaalkii ka dhacay Tukaraq. where can...

AKHRISO:- Taliyaha Ciidamada Somaliland Oo Faahfaahiyay dagaalkii ka dhacay Tukaraq. where can i buy dandelion

Taliyaha Ciidamada xoogga  Somaliland Nuux ismaaciil oo Kula hadlayay warbaahinta Laas-caanood xarunta gobolka Sool ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal culus oo saaka ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay ka gaareen guullo la taabankaro,islamarkaana ay iska difaaceen Weerar ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in gaadiid dagaal iyo Maxaabiis ay ku qabteen dagaalkaasi.

“Waxa na soo weeraray ciidanka Puntland kuwaas oo naga soo weeraray jiida Hawdka, laba jeer ayaanay na soo weerareen oo subaxii mar ayey ahayd, kawdii iyo wixii ka dambeeyeyna weerar ayey nagu soo qaadeen, weerarkaas waa la celiyey, waxaana ku dhintay inta aanu ognahay sadex qof, waxaana ka dhaawacmay shan qof.” Ayuu yiri Taliye Nuux

“Saaka subaxii oo ilaa todobadii weerar balaadhan oo laba jiho ah oo xaga hawdka ah ayaa ciidamo balaadhani naga soo weerareen, Dagaalkaasina mudo ilaa afar saacadood a iyo badh ah ayuu socday,dhimasho iyo dhaawacba waa jiraan dhan walba, waxaanan ka qabsanay lix baabuur oo midi taangi yahay, dhulkii ay joogeena anaga ayaa joogna oo ciidankeena ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Markale.

https://holistickenko.com/dandelion-root-coffee/

https://holistickenko.com/dandelion-root-coffee/

where can i buy dandelion

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe