Home Warar DEGDEG: Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Baraawe Oo Xilkii laga Qaaday.

DEGDEG: Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Baraawe Oo Xilkii laga Qaaday.

77

Wararka ay qorayaan warbaahinta maxaliga ah ee Dalka ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, uu xilkii ka qaaday Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warqad qoraal ah oo lagu faafiyay warbaahinta oo ku calaameysneed Tr:7/Maarso/2019, ayaa waxaa ku qoraan in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Koonfur Galbeed, xilkii looga qaaday Cabdullaahi Xuseen Cusmaan oo ahaa Maareeyihii Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warqadaan Xilka qaadista ah laguma sheegin cidda lagu badalay Cabdullaahi Xuseen Cusmaan ama loo magaacabay Maareeyiha Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo il dhaqaale oo muhiima u ah Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.