Kooxo hubeysan ayaa Suuqa Bakaaraha ku dilay Gabadh la sheegay in ay u shaqeynaysay Hay’ad Gargaar.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi waxaana u shaqeynaysay Hay’adda lagu Magacaabo WHO qeybteedda degaanada Koonfur Galbeed.
Dilka ayaa ka dhacay  Bosteejada Baabuurta Baydhbabo ee Suuqa Bakaaraha sidda ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado ayaa gabadha dilay, waxaana la sheegay intaasi ka dib in ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo goobta tagay ayaa halkaasi ka wadda howlgallo.
Wixii ku soo Kordha Halkaan kala Soco: