Tuesday, June 2, 2026
HomeWararDibaddaDeg deg:Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay

Deg deg:Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimihii Guud Madaxtooyada ee Villa Somalia Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud uu iska casilay xilkii Agaasime, isagoo warqad is casilaad u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Agaasime Xuseen oo saaxibo dhow ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, door weyn ku lahaa ololihiisa ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay 23 May 2022, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska la wareegay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe