Allaha unaxariistee waxaa geeryootay Wariye Hani Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Soomaaliyeed, waxaa ayna goordhow ku geeriyootay dalka Turkiga sidda ay xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Dalka Turkiga.
Wariye Hani Xaaji Maxamed ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa ay ku sugneyd dalka Turkiga.
Allaha unaxariistee Wariye Hani waxaa ay ka howlgali jirtay Warbaahino kala duwan, waxaa sidoo kale ay hadda ka howlgalisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Soomaaliya.
Hani ayaa sidoo kale waxa ay ka mid aheyd Wariyeyaashii kasoo shaqeeyay Idaacadda Risaala, Universaltv iyo warbaahino kale oo dalka ku yaala.
Ma cadda sababta ay u geeriyootay Hani Xaaji , waxaana goordhow ay dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in ay dhimatay.