Saturday, May 30, 2026
HomeWararDEG DEG: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas

DEG DEG: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi, isla-markaana uu jiro burbur aad u xoogan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadaan oo ay durbo sheegteen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe