Friday, February 14, 2025
HomeWararDEG DEG:- Qarax Miino Oo ka dhacay Deegaanka Buula-mareer.

DEG DEG:- Qarax Miino Oo ka dhacay Deegaanka Buula-mareer.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Qarax Miino ayaa galabta ka dhacay halkaasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku geeryootay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Kunturwaarey oo ka mid ahaa dadka gurmadka sameynayay ayaa Sidaan u sheegay warbaahinta “Walaal qarax Miino oo ahaa nuuca rumuudka ayaa kala eegtay Suuq xoolaha, shacab ayaa khasaare lagu gaarsiiyay, sidoo kale 5 neef oo xoolo ah ayaa qaraxan uu dilay, waxaan wadnaa baaritaano aan ku soo qabaneyno nimanka falkan geystay.”

Wixii ku so kordha Halkaan kala soco:

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe