Thursday, February 13, 2025
HomeWararDEG DEG: Ku xigeenka Duq magaalo oo Qarax lagu dilay

DEG DEG: Ku xigeenka Duq magaalo oo Qarax lagu dilay

Ku-xigeenka  Duqa Magaalada Kabul iyo kaaliyihiisa ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Afgaanistaan sidda ay shaaciyeen ciidanka booliska warbixin ay soo saareen.

Kuxigeenka  oo lagu magacaabo Mahboobullah Mohebi ayaa la socday ilaaladiisa markii qaraxa uu dhacay Saaka.

Dowladda ayaa sheegtay in Qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaariga ku xigeenka duqa Magaalada.

“Mohibullah Mohammadi, oo ah ku-xigeenka gudoomiyaha Kabul, iyo xoghayihiisa waxaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa” ayaa lagu yiri warka booliska.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaalada Mohebi.

Toddobaadkii hore, dacwad ooge ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa lagu dilay bariga Kabul isagoo ku sii jeeda shaqadiisa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe