Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Xaafado ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan iyo gobolka Banaadir.
Dadka banaanbaxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegeen in uu doonaayo doorasho boob ah.
Ciidamo hubeysan ayaa la sheegay in ay ilaalinayaan dadka soo banaanbaxay, waxaana jira khasaare ka dhashay banaanbaxa.
Waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku dhacyo ciidan waxaana la sheegayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Fagax waxaa ku dagaalamaya Ciidan Boolis ah iyo Ciidan kale oo Milateri ah waxaana la sheegayaa ilaa Saldhigga Yaaqshiid uu gaaray isku dhaca labada ciidan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.
Â
Â
Â