Friday, December 5, 2025
HomeWararDEG-DEG:-Kalashaki Balaaran Oo Soowajahay Saraakhiisha Ilaala Madxtooyada Koonfur Galbeed Iyo Madxweynaha Maamulkaasi

DEG-DEG:-Kalashaki Balaaran Oo Soowajahay Saraakhiisha Ilaala Madxtooyada Koonfur Galbeed Iyo Madxweynaha Maamulkaasi

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koofur Galbeed SoomaaliyaShariif Xasan Sh. Aadan ayaa kulan degdeg ahaa maanta isugu yeeray La taliyayaashiisa dhinaca amniga iyo xubno isaga ku dhow.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa looga wada xaajooday amniga Baydhabo iyo Ciidmaada faraha badan ee magaalada ku  qul qulayay maalmihii u danbeeyay, Kuwaasoo qaarkood ay wataan Dadka kursiga kula loolamaya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kulanka kaddb qaaday tilaabo ay aad ula yaabeen Shacabka iyo Siyaasiyiinta KGS ee magaalada Baydhabo, taasoo dadka qaarba ay u fasirteen in ay soo dedejineyso shakiga la xiriira in Shariifka ku soo bixi waayo doorashada.

Shariif Xasan ayaa shaqada ka eryay dhamaan Askartii iyo Saraakiishii ilaalada ka heysay Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Dadka ku dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa sheegaya in arintan la xirirto kala shaki soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladiisa, maadaama uu ka soo hor jeedsaday Taliyihii booliska Koofur Galbeed iyo Saraakiil kale.

madax katirsan KGS oo la hadlay Mustaqbal ayaa sidoo kale ku waramaya in Shariif Xasan uu u cabsaday nabadgelyada ololihiisa doorashada, Isaga oo maalmahanba waday qorshe uu si keli ah ugu maamuli karoo nabadgelyada Baydhaba.

Ciidamada iyo Saraakiisha laga saaray Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa la geeyay xero ku taala gudaha Baydhabo iyada oo loo sheegay in ay xeradaas ku jiraan inta dib looga yeerayo.

Ciidamada iyo Saraakiisha Caawa lagu wareejiyey amaanka Madaxtooyada Koofur Galbeed, ayaa badankood ah dad Shariifka u dhow oo loo badinayo i ay hayb iyo qaraabo wadaagaan waxa ay joojiyeen dhaq dhaqaaqii badnaa ee ka jiray Madaxtooyada.

Ciidamadan ayaa sidoo kale Albaabka Madaxtooyada ka celiyay Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed iyo Xildhibaano la balan sanaa Shariif Xasan, Kuwaasoo loo sheegay in aan la aqoon, Isbadal dhinaca amniga ahna uu ka dhacay Madaxtooyada.

Shariif Xasan ayaa fahansan in wax walba isbadali karaan maalmahan yar ee ka harsan doorahsada, Isagoo shaki ka muujiyay in ilaaladiisii hore loo soo maro, Kuwaasoo xanibi kara howlaha uu ka hayay gudaha Madaxtooyada, maadaama aan cidi soo geli karin.

Inkasta oo ayadag tahay saadaasha waxa ku dhex qarsoon laba todobaad ee soosocota haddana waxa muuqata in madaxweyne waqtigu ka idlaaday ee KGS uu gelayo loolan adag oo dhanka doorashada ah, waxaase maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii galaya walaaca Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la xiriirta in uu dib ugu soo laabto xilka uu hayey 4tii sano ee la soo dhaafay.

Baydhaba  ayaa marti galineysa bisha danbe 17-keeda doorashada Madaxweynaha, Waxaana codeynaya Xildhibaanada Koofur Galbeed iyaga oo kala dooranayaan 10 Musharax oo uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenkii & Afhayeenkii hore ee Alshabaab Muqtaar Roowbow Cali Abuu Mansuur.

 

Xigasho :-Mustaqabal Radio 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe