Wasiirka Amniga maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday gobolka Bari in lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish Cabdixakiin Dhoqob.
Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday Tuulada Xiriiro ee Duleedka Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.
Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dalka Mareykanka,waxaana la sheegay xilliga la beegsanaayay in ay ku jireen Safar.

