Wednesday, August 19, 2026
HomeWararDeeganka Sarkuusta oo laga helay meydka wiil dhalinyaro ah

Deeganka Sarkuusta oo laga helay meydka wiil dhalinyaro ah

Wararka aan ka helayno deegaanka Sarkuusta ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in  halkaasi lagu arkay maydka nin dhalinyaro ah oo la garan waayay.

Ninka dhalinyarada ah ayaa da’diisa waxa ay u dhaxeysaa 20 illaa 30 jir, waxaana lagu dilay Xarig & iyadoo wajiga looga xiray cimaamad.

Lama garanaayo cida ka dambeysa dilkaan  loo gaystay wiilka dhalinyarada, dadka deegaanka ayaa sheegay inay garan waayeen maydka marxuumka ee halkaasi yaalla.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ayaa lagu wadaa inay halkaasi ka qaadaan maydka marxuumka xariga lagu ceejiyay, kadibna wajiga cimaamada looga xiray ee halkaasi lagu arkay.

Masuuliyiinta maamulka deegaanka garasbaaley ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cida ka dambeysay dilkaasi loo gaystay wiilka dhalinyarada ah

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe