Biyo yaraan daran ayaa ka jirto deegaanka Geriley ee gobolka Gedo. Roobkii dayrta ayaa ku yaraa deegaanka, taas oo keentay inay qallalaan waro biyahooda ay dadka iyo xoolaha ka cabbi jireen.
Sidoo kale waxaa qallalay ceelal dhowr ah oo ku yaalla deegaanka. Dadka deegaanka iyo tuulooyinka u dhowba waxay hadda ku tiirsan yihiin biyo booyado looga keeno deegaanno ka tirsan Kenya oo u dhow xuduudka Soomaaliya.
Foostada biyaha waxaa gudaha deegaanka ay ka mareysaa $10 oo u dhiganta 240 kun oo shilin Soomaali ah. Booyadda biyaha ee qaadda 45 foosto waxaa degmada ay ku tagtaa $400, taas oo ah qiime aad u sarreeya oo dadka badankooda aanay awoodin.
Guddoomiyaha deegaanka Aar Maxamuud Maxamed oo u warramay Idaacada Codka Gobolada Dhexe  ayaa sheegay in qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah ay deegaanka uga hayaameen biyo yaraanta iyo qiimaha biyaha lagu iibsado oo aanay wakhtigaan awoodin.

