Weerar ku bilaawday qarax ismiidaamin ayaa waxaa lagu qaaday xarunta ay Kabul ku leedahay Wasaarada Shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada dalka Afghanistan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.
Waxaa ay warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay baahiyeen in dagaalyahanada weerarka kusoo qaaday xarunta wasaaradaasi iyo ilaalo dhowr ah oo ka badbaaday qaraxa in ay risaas is weydaarsadeyn.
Mehdi Ruuxaani waa Afhayeenka Wasaarada la weeraray ee Shaqada, waxa uuna ku sugnaa isla dhisma wasaaradda, isaga oo codkiisa argagax laga dareemayo ayuu taleefanka kula hadlay wakaaladda wararka AFP waxa uuna u xaqiijiyay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday ay galeyn dhismaha wasaaradda.
“Qaraxa ka dib waxaa u suurta gashay in ay gudaha usoo galaan xarunta wasaaradda, intaan ogahay shaqaalaha badi waxa ay galeyn qolka badbaadada, qaar kalana waxa ay kasoo boodeen fooqa dhismaha, waxaana aniga ii suurta gashay in aan kasoo badbaado” ayuu sheegay afhayeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Afghanistan Mr Mehdi Ruuxaani.
Wasiirka caafimaadka Afghanistan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi inta la ogyahay uu sababay dhaawaca afar ruux oo lagu dabiiibayo isbitaalada Magaalada Kabul ee caasimada u ah dalkaasi.
Ilaa haatan weerarkaani ma jirto cid sheegatay balse waxaa weerarada nuucaani oo kala ah dalkaasi Afghanistan ka geysta ururka Taalibaan.
XIGASHO: AS news agency.