Sunday, March 23, 2025
HomeWararDawladda Soomaaliya Oo Dib Usoo Celineysa Shuruucdii Waxbarashada Dalka

Dawladda Soomaaliya Oo Dib Usoo Celineysa Shuruucdii Waxbarashada Dalka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri] oo u waramaayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare.

Guddiga ayuu daboolka ka qaaday Mr Jaabiri inuu qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed helo Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aanhelno Sharuucdii Waxbarashadda dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa cod dheer ku qeexay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Isaga oo sii hadlaya Wasiiro Dowlaha Waxbrashadda ayuu ku daray hadalkiisa: “Taasna waxay tahay mid aan dhamaanteen kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas.

Wasaaradda Waxbarashadda xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa xili ay dhowaan soo bandhigtay waxbarasho bilaash ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe