Home Warar Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

111

Darawalkaan Mooto Bajaajlaha ahaa ayaa waxaa lagu dilay waddada Afisyooni gaar ahaan agagaarka Dugsiga 21 October ee degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu yimid, kaddib markii Nin ku labisnaa Dareeska Ciidamada oo watay Mootada nooca laba Lugoodleyda  ah uu rasaas la dhacay, isagoona isla goobta ku ruux baxay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in wadaha Mooto Bajaajta uu waday jaad ( qaad) isla markaana dilka kaddib qaadkii laga qaatay.

Dadweyne Farabadan ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo ku xoomay meydka Darawalka Bajaajlaha ah ee la dilay, waxaana goobta ka baxsaday Askarigii dilka geystay.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal ay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya u geystaan wadayaasha Mooto Bajaajta.