Tuesday, May 26, 2026
HomeWararDagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ka socda Deegaanka Yasooman...

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ka socda Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Yasooman oo 35 KM dhanka Waqooyi uga jihaysan Degmada Buula-Burte ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda Federaalka & Macawiisleyda ayaa saldhigyo xooggan ka sameystay Deegaanka Yasooman, waxa ay billaabeen abaabul xooggan oo ay ku doonayaan in ay isku fidiyaan si ay Al-Shabaab uga qabsadaan deegaannada ay joogaan.

Ciidan katirsan Dowladda Federaalka, Askarta Midowga Afrika ee ku howlgallada Magaca ATMIS & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa gurmad dheeraad ah geeyay goobaha dagaallada ay ka socdaan.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku xooggeysteen deegaannada Gobolkaas, waxa uu maamulka Gobolka uu guul ka sheegtay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhacay.

Dowladda Federaalka & DG Hir-Shabeelle weli faah-faahin dhammeystiran kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa in Dowladda ay war kasoo saarto dagaalka marka uu dhammaado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe